Hadaan la kala roonaan roob ma da’o

0
1418

BaziBusuri20130615Badanaaba saacada ugu mugdiga badan habeenkii waa saacada ugu dambaysa markuu fajarka dhalan rabo. Wax yar ka dibna qoraxdii ayaa soo baxda oo iftiin ayaa dhasha. Sidoo kale dhibaatooyinka markuu faro bato oo ay si is daba joog ah u dhacayaan waxay calaamo u tahay gaba gabada balaayada markaa jirta iyo soo dhawaanshaha farajka Alle. Waxaase ayaan daro ah in aadanaha badigood ay rajo dhigaan ama gacmaha kor u taagaan markuu mugdiga darnaado (dhibaatada xoogeysato), oo haday wax yar oo adkeysi ama dulqaad yeeshaan iftiinka qoraxda uu soo bixi lahaa (Farajka imaan lahaa). Xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya waxay la mid tahay tusaalaha aan kor ku xusnay oo dhibaatooyin badan waa jiraan, dheeftiina waa muuqataa oo waa ay soo dhowdahay.

Dhibaatooyinka jira waxaa ka mid ah maamul goboleedka loo sameeyay jubooyinka oo qalalaase siyaasadeed ka dhashay, taasoo hadaan dulqaad weyn la muujin u horseedaysa dagaal kooxeedyadii hore, Al Shabaab oo weli gow iyo gash maleh taagan, qaxooti faro badan oo Soomaali ah oo dhibaato kala kulmaya meelahay joogeen sida South Africa, Syria, Kenya iyo Soomaalida ku nooleyd wadamada reer galbeedka oo la dhihi karo muufadooda ayaa maraq ku jirta oo ka murugsan jiilka labaad iyo sedexaad oo ku dhashay qurbaha oo ka lumay ku hadalka afka Soomaaliga ee hodonka ahaa, diinta, hidaha iyo dhaqanka. Dhalin yarada Soomaaliyeed ee xabsiga loo taxaabayana wadamada reer galbeedka ayaa aad u kordhaya.

Marka waxaa haboon in odayaasha iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee muranka dhexdooda yaalo ayagoo fiirinaya duruufaha aadka u adag Soomaali weynta soo food saaray, in ay nafsadooda xakameeyaan, maxaa yeelay nafsadu xumaatay fartaa. Taariikhdana waxay si cad u tustaa tilmaamaha nafsada lugu yaqaan oo in laga digtoonado ah, sida kibirka Ibliis, xasadkii Qaabiil, madaxtaagii fircoon, hawadii Balcaama, Jaahilnimada abuu Jahal IWM. Somaaliya nasiibxumo waxaa haleelay ama asiibay shanta balaayo ay Soomaalida iIlaahay ka magan gasho. Kuwaasoo ah maahmaahda Shanlayda “Shan Belaayo Allaa Laga Magan Galaa”: Caro aan laga soo noqon, Colaad aan laga heshiin, Cudur aan laga boogsan, Cilmi aan lagu intifaacin iyo Cayr aan laga dhaqan. Bal kaalaya aan mid mid u falanqayno caqabadaha shanta ah ee kor ku xusan si aan uga gudubno dhibaatooyinkan faraha badan oo saameyn weyn ku yeelatay dhamaan bulshada Soomaaliyeed:

1.   Caro aan laga soo noqon: Carada waa sida shidaalka oo kale, hadaad dab ku taabato holac ayuu keenaa oo wuu khasaare badiyaa. Hadaad shidaalka gaariga ku shubtana wuu ku dhaqaajiyaa oo meeshaad rabtuu ku geeya. Sidoo kale Soomaalida kismaayo isku haysata labo arin ayaa u furan oo ah, in carada ay ka tan badiso uu caqligooda dhanba afduubo, ka dibna gacmaha layla galo dagaal hor leh. Ama in qof walba caradiisa xakameeyoo oo sida shidaalka ay u adeegsadaan gaariga nabada iyo midnimada umada. In gobolada Soomaaliyeed ee horey u jiray in mid walba uu dheri gooni ah saarto dhibaato malahan oo danaa ku jirta haday dadkii deganaa gobolka isku afgartaan, laakinse waxaa dhibaato weyn ah in dheriga qaranka Soomaaliyeed dhex looga tago.

Waxaa kaloo dhinaca siyaasada caro nooga maqan walaalaheena ku nool Somaliland tan iyo dagaaladii dhexmaray SNM iyo xukuumadii hore ee Barre. Dabcan caro walba sabab dhalisa ayay leedahay (Dheriga uumiga kuleyl baa ka keenay), laakin midnimada Soomaaliyeedna waa muhiim in la ilaaliyo oo khilaaf walboo jira midnimada laga doorbido. Si dib loogu soo nooleeyo xiriirka siyaasadeed, waxaa haboon marka hore in xiriirka ganacsiga Waqooyi iyo Koonfur aad loo xoojiyo, jiilka ku dhashay waqooyi 1991da ka dib in ay soo booqdaan Muqdisho arkaana raadadka weyn ay bulshada waqooyi ku lahaayeen Muqdisho. Tusaale ahaan, weli dhismooyinka Jirde Hussein Siduusa ayuu u xoogan yahay oo dayactir kaliya ayuu u baahan yahay. Sidoo kalena xiriirka labada bulshoodna weli waa mid xoogan oo dayactir dhinaca siyaasada ah ayuu u baahan yahay. Taasna ma sahlana, Ilaahay quluubteena ha isku soo duwo.

2.   Colaad aan laga Heshiin: Colaad waxaa ugu adag markay ka dhaxayso dad walaalo ah, taasoo sababta in xabaashu badato uu dagaalkana noqdo mid aad u qoto dheer. Tusaale waxaa inoo ah dagaalka sokeeya ee ka dhaxeeyay labad qabiil Aws iyo Khasraj ee Madiina ku dhaqnaa. Maxaa yeelay colkii ayaa wuxuu ka dhaxeeyaa dad hebeenkii codkooda is yaqaano oo maalintiina raadkooda is yaqaan. Cadowga dibada waa u sahlanaanaysaa in uu danahiisa gaarka fushado kuna guulaysto maxaa yeelay gacal ayuu kuugu soo gabanaa (Gudiney ima aad goyseene, ee qayb iga mid ah baa kugu jirta). Colaada hada jirta daawadeeda dagaal ma aha, marka waxaa haboon in xukuumada ay wada hadalka iyo dib u heshiisinta xoog weyn saarto. Magac isku yeerista iyo is cambaaraynayta dhinaca saxaafada waa laga roon yahay oo dabkii shidnaa uu dab kale ku sii daraa. Shir weyne caalami ahna uma baahna oo sida xeerka ahaa ee Soomaalida u wada hadli jirtay ayaa ku filan, taasoo dadka wada hadlaya tawaaduc ku abuuraysa.

Dadka ay xukuumada ergada ama wada hadalka u xilsaaraysana inay ahaadaan dad qibrad u leh wada hadalka, shardi ma aha inuu jago sare dawladda ka haayo sida Soomaalida tiraa: Ergo waxaa loo dirsadaa nin dhurwaa cay uga adag, kudkude gaajo uga adag, kurtun qorax ugu adag, dhagax qabow uga adag. Qof intaan sifo leh malahan, laakin kooxda waa inay lahaataa dad ku sifooway dabeecadahan oo maslaxada guud ay dhab ka tahay. Al Shabaabna ayagoo fiirinaya daruufaha adag ee shacabka haysta, waxaa la gudboon in mowqifkooda adag ka soo yara durkaan si meel dhexe layskugu yimaado oo xal waara loo helo. Caqabo badan ayaa jiri doonta oo hakad gelin garta dib u heshiisinta. Tusaale ahaan sidii magangalyo guud loo siin lahaa madaxdooda, sidii dhalinyarada noloshooda caadi loogu soo celin lahaa, sidii laga yeeli lahaa dagaalyahaniinta ajaanibta ah, cadaadiska ka imanaya dawladaha reer galbeedka iyo kuwa deriska nala ah iyo siday dawlada qayb ugu noqon lahaayeen. Waxaasoo dhan waxaa ka qaalisan nabada, maxaa yeelay, dhalinyaradaa ku baaba’aya colaadani waa caruurteena, waalidiin ayaa dhalay oo u ilmoonaya.

3.   Cudur aan laga boogsan: Dadka cilmi baarista ku sameeya dagaalada sokeeya, waxay xaqiijiyeen in xiliga dagaalada dadka u dhinta cudurada awgii ay labo jeer ka badan yihiin dadka ku dhinta xabadaha. In kastoo talaalka uu yareeyay tirada dhimashada, Soomaali badan ayaa cuduro badan dartii u dhimatay tan iyo intuu dagaalka bilowday. Laakin cudurka ugu weyn ee Soomaaliya haysta waa cudurka qabiilaysiga gaar ahaana dhinaca heybsooca loo geysto qabiilada la liido. Wax ilaahay caro galiya oo ka xun Xaqiraada qof muslim ah la xaqiraayo ma jiro, sida nabigeena AWC uu yiri “Qof waxaa shar ugu filan inuu walaakiis Muslim ah xaqiro”. Kibirka iyo islaweynida dhalanteedka ah waxay leedahay aakhiro iyo aduunyo beel, oo ah in laga taxadaro. Ducada qofka la dulmiyeyna ilaah ma soo celiyo oo waa aqbalaa. Gabayga hoos ku xusan waa waa ereyadii qof la dulmay oo reer Bantu ah oo ilaahay u dacwoonaya:

Cariiri adduun ii Ciilaan ku Jiraa

Casiis-Alla-weenaan Ciidankeey ka yeeli

Marka waxaa nala gudboon in qof walba uu naftiisa iyo ehelkiisa kala dagaallamo caadadaas, inay caruurtooda oo ah jiilka cusbaa ku barbaariyaan ka fogaanshaha caadadaas, saaxiibadooda iyo qaraabadoodana ay ka waaniyaan. Waxaa kaloo muhim ah in bulshooyinka la liido himadooda ay sare u qaadaan oo ayan niyad jebin. Hadii ay dhulka is dhigaan waxay caqabad weyn ku noqonee in la tir-tiro caadadaas xun, Qofkii naftiisa sharfa ayaa sharfan. Xukuumada cusub waxay mar walba carabka ku dhufataa in la sameyn doono maalinta is cafinta. Hadii ay hirgasha arinkaa, dadka ugu horeeya oo la raali galinayo cafisna la waydiisanayo waa in ay ayagu ahaadaan, maadaama dulmiga loo geystay ay ahayd mida ugu qotada dheer.

4.   Cilmi aan lugu intifaacin: Ducooyinka nebigeena AWC uu faray in subax walba lugu ducaysto waxaa ka mid ah “Allow waxaan ku weydiinaa Cilmi Lugu Intifaaco iyo Risqi fiican). Cilmiga dhabta ah waa in qofka dabeecadiisa ay wanaajisaa, xikmadna u yeeshaa. Hadii kale waa warbixin la xafiday kaliya oo miro badan ma dhaleyso. Runtii waxyaabaha qofka dabeecadiisa wanaajiya oo xikmadiisa kordhisa laguma barto jaamacadaha. Waa qibrado qofka uu ka bartay markuu yaraa waalidiintiisa iyo mawaaqif noloshiisa soo maray oo dhib iyo dheef isugu jira. Tusaala ahaan ardada iyo maclimiinta Soomaaliyeed ee ka qayb qalay Ololaha Horumarinta Reer Miyiga, noloshooda wax weyn ayay ka bedeshay. Waxyaabo badan ayay ka kororsadeen, sida dadka loola macaamiloodo, adkeysiga iyo qadarin weyn oo ay u qabeen reer miyiga oo si dhaqso ah qoraalka iyo akhrinta af Soomaaliga ku bartay. Sidoo kalena waxaa arkaysaa dad qaarkii waxbarashada heer weyn ka gaaray oo kamid ah indheergaradka iyo culumaa’udiinka, laakinse dabeecadahooda aan wanaagsanayn, macaamilkooda iyo siday dadka ula dhaqmaan aan la mahdin oo xitaa xaasaskooda ay ka cabanayaan dhaqan xumadooda.

 

Dadka ku taqasusa cilmu nafsiga markay baaritaan ku sameeyeen arinkan ayaa u soo baxay in laba qaybood oo cilmi ah uu jiro oo kala ah IQ (Intelligence Quotient) iyo Emotional Intelligence. Mid waa waxbarashada akademiyada, midna waa mid ku salaysan dabeecada qofka iyo dareenkiisa. Labadaba waa muhim inuu qofka lahaado, qofkii isku helaana waa nicmo aduun. Waxay kaloo ku dareen in uu aad u sareeyo ama ladoorbido (Emotional Intelligence) taasoo qofka ka kaalmaynayso inuu si fiican u wajaho dhibaatoyinka soo food saara una sahlaya inuu dadka si wanaagsan ula macaamilo. Waxaan ku baraarujinaynaa indheergaradka Soomaaliyeed in ay isku dheelitiraan maskaxda iyo qalbiga, hadafkooda ugu weyna uu noqdo sidii cilmigooda loogu intifaaci lahaa. Cilmiga nafciga leh waa sida shumaca oo kale, shumaca markuu shidan yahay, kumanaan shumac ayaa laga shidan karaa oo uu nuur siinayaa, ayadoon nuurkeeda iyo cimrigeeda wax u dhimin. Laakin waxaa ayaan daro ah, in ay soo badanayso mutacalimiin Soomali ah oo cilmigooda u adeegsanayo dano gaar ahaaneed. Hogaanka dhabta ah ma aha kursiga ama jago sare, balse waa markuu qofku kaalmaynayo qof kale ama uu wax ku kordhinayo noloshiisa asagoon wax abaal ah aan ka sugayn.

2.   Cayr aan laga dhaqan: In kastoo dagaalada sokeeye ee Soomaaliya ay ka dhasheen sharikado aad u waaweyn iyo ganacsato badan oo shirkado dhexdhexaad iyo kuwa yarba leh, Soomaalida badankooda waa fuqaraa.  Waxay ku nool yihiin gargaar kaga yimaada dadka qaraabada ee qurbo joogtada ah iyo hay’adaha ku caawiya dadka xerooyinka qaxootiga ah.  Waa mas’uul Soomaali weyn oo dhan saaran tahay, sidii faqriga loo soo afjari lahaa oo dadka Soomaaliyeed oo dhalin yaro u badan uga kaaftoomi lahaayeen gargaarka dibada.  Ma ahan mid dawlada kaliya lugu dayn karo. Sida  kaliya looga bixi karaana faqrigana waa qofba qofkuu ka roon yahay xaga dhaqaalaha ama ra’yiga in uu garab galo (Hadba Kiina Taag daaranee, Taageera weligiinee). Tusaale ahaan:

  • Qurbo joogtada in ay reerahooda jooga Soomaaliya ku dhiiri galiyaan sidii ganacsi ay u bilaabi lahaayeen, maal geliyaana,  taaso u suura gelinaysa inay ka deeqtoomaan xawaalada.
  • Shirkadaha waaweyn in ay barnaamijyo horumarin ah  hirgaliso ayagoo adeegsanya lacagta sakada ama siinta deyn aan dulsaar wadan. Sida in ay qalab casri ah oo la goyn karo ku deeqaan farsama yaqaanada jooga Soomaaliya.  Kuwaasoo weli adeegsanayo qalabkii hore oo aan u suuro gelinayn in ay wax badan qabtaan, caafimaadkoodana wax u dhimayo.
  • Qurbajoogta dib u laabatay in ay dhalinyarada baraan xirfadaha ganacsiga, hirgaliyaana olole lugu barayo ganacsiga dadka Soomaaliyeed oo aan ganacsiga aqoon. Kaasoo lamid ah Ololihii horumarinta reer miyiga (hadaad beec taqaan bar, hadaad aqoonina baro).

Ugu dambeeyntii, waxaan ilaahay ka rajeeynaynaa inuu qalbigeena isku soo duwo sidii Aws iyo Khasraj uu u mideeyey.  Ilaahayna inoo kaso inaan Salaadaha Ciida nasoo food haya aan ku dukano gobolada Soomaaliyeed oo dhan si nabad ah.


Bazi Bussuri Sheikh

bazisomali@hotmail.co.uk