Axmed Madoobe: Ma jiri doonto Cid aan ka ahayn Raaskaambooni oo hub ku dhex wadan doonto Kismaayo

1
1654

AhmedModoobe20130525Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) Hoggaamiyaha Ururka Raaskambooni oo Shir Jara’id ku qabtay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya isagoo ka hadlaya Arrimaha Jubbooyinka ayaa sheegay in uu Amar ku bixinayo in Magaalada Gudaheeda aaney jiri doonin cid hub ku dhex wadan karta oo aan ka ahayn Ciidanka Raaskaambooni sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in hub fud fudud oo u sharciyeysan shirkadaha Ganacsiga oo kaliya loo ogolyahay in ay hub ku dhex haystaan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose isagoo cod dheer ku sheegay sida uu hadalka u dhigay in uu idlaaday waqtigii hub lagu dhex wadan lahaa Gudaha Magaalada Kismaayo.

Hoggaamiyaha Raaskaambooni ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay Kismaayo ay ku dileen ku dhawaad 70 Askari oo ka tirsan Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay kadib dagaalkii u dhexeeyay Maleeshiyaadka Raaskaambooni iyo Maleeshiyaad kale oo taabacsan Madaxweynayaasha kale ee is Magacaabay isagoo carabka ku dhuftay in dagaalkaasi ay abaabushay dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa wacad ku maray in ay sii wadayaan dagaal uu sheegay in ay ku cirib tirayaan Kooxo uu sheegay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab oo dowladda ay soo hubeysay sida uu hadalka u yiri.

 

Source: Shabelle.