Axmed Madoobe oo u ambabaxay Itoobiya

0
1246

AhmedModoobe20130525Wafdi uu hoggaaminayo Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo shirkii Kismaayo loogu doortay madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Axmed Madoobe oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan maamulkiisa ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, sida uu ku soo warramayo weriyaha Bar-kulan ee Kismaayo.

Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo ujeeddada socdaalka Axmed Madoobe ee Addis Ababa, muddada uu qaadan doono socdaalkiisa iyo cidda uu la kulmi doono.

Tan iyo markii loo doortay madaxweynenimada, Axmed Madoobe ayaa gaaray dalka Kenya, isagoo la kulmay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, qaar ka tirsan madaxda dalka Kenya oo ay ku jiraan xildhibaanno ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Waa socdaalkii ugu horreeyay ee uu Axmed Madoobe ugu ambabaxo dalka Itoobiya tan iyo markii xilka loo doortay horraantii bishii la soo dhaafay.

 

Source: Bar-kulan