Dibad baxaani oo ay Dhigayeen Boqolal dadweyne ah oo isugu jiray Haweyn , Odayaal iyo Dhalinyaro loogana soo horjeeday Maamulka Gobolka Sh/hoose ayaa Maanta waxa uu ka Dhacay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh\hoose.
Banaan baxayaasha ayaa waxa ay Cabasho xoogan ka Muujinayeen Musuq Maasuq uu ku hayo Maamulka Gobolka Sh\hoose iyagoo ku eedeeyay Gudoomiyaha Sh\hoose in uu lunsaday Raashin Mucaawino ah oo loogu tagala Dadka ku dhaqan Magaalada Marka.
Dadka Dibad baxa Dhigayay ayaa Dhanka kale waxa ay ka codsadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabato Musuq maasuqa iyo Cadaadiska ay kala kulmayaan Maamulka Gobolka Sh\hoose iyagoo si gaar ah Farta ugu goday Gudoomiyaha Gobalkaasi .
Mid kamid ah Dadka Dibad baxa Maanta ka Dhigay Magaalada Marka ayaa Shegtay in wax is daba marin iyo Musuq maasuq lagu hayo dadka ku Dhaqan Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Sh\hoose.
Ma aha markii ugu Horeeysay oo dibad baxyo ay ka Dhacaan Gobolka Sh\hoose kuwaasi oo looga soo horjeedo Maamulka Gobolkaasi iyagoo lagu eedeynayo arrimo la xariira Musuq maasuqa.
Source: Shabelle