Afhayeenka maamulka Jubaland Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa warbaahinta u sheegay in isgoyska Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose lagu qabtay shaley hub dowladda Fedaraalka Soomaaliya Muqdisho ka soo dhiibtay kaasi oo loo waday magaalada Kismayo.
Hubka ayaa la sheegay in ay qabteen ciidamada AMISOM oo howlo baaritaan ah ka waday wadaddaauu ka yimid baabuurka hubka uu saarnaa, in kasto aan la ogeyn xilligaas halka uu ku socday iyo cida soo dhiibtay.
Cabdinaasir Seeraar ayaa yiri ”Waxaanu horey u sheegnay ayaa dhab noqotay ,gaari xamuul ah ayaa la qabtay oo hub Kismayo loo soo waday saarnaa si loola dagaalamo Jubaland iyo shacabkeeda”.
Warar aan la hubin ayaa muujinaya in Hubkan qayb ka yahay taakulo militeri oo dowladda Masar ugu deeqday dowladda Somalia.
”Waa wax lagu farxo ,Ilaah mahadiis ayaa lagu fashiliyay ,Al-shabaab iyo Xasan Shiikh waxay ka midaysanyihiin fashilinta jiritaanka Jubaland”ayuu yiri markale Seeraar.
Dowladda Soomaaliya ayaan ilaa iyo hada wax war ah ka soo saarin hubkan la qabtay ,xili uu dib ugu noqday wasiirka gaashaandhigu Muqdisho ka dib markii ku soo hungoobay socdaalkiisi wakhtiga badan qaatay magaalada Kismayo.
Si kastaba, xaaladda magaalada Kismayo ayaa degan ,waxana horey maamulka Jubbland in dagaalkii ka dhacay magaalada uu ahaa Shirqool qorshihiisa laga soo abaabulay Muqdisho.
Source: Midnimo