Ciidamada dowlada Fadaraalka Soomaaliya oo is kugu jira Boolis iyo Nabad sugid ayaa maanta howlgalo balaaran ka wada degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.
Booliska ayaa xiray is ku socodka degmada iyagoo guri guri u galaya dhamaan xaafadaha ay ka koobantahay degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, cidamada ayaa u diiday in dhaq dhaqaaq ay samayn dadka degmada inta uu socda howlaha lagu baarayo degmada Xamarweyne.
Xirnaashaha xaafada Xamar weyne ayaa si weyn u saameeyay Xaga Kaluunka oo uu ku yaalo suuqa ugu weyn ee lagu iibiyo Kaluuka magaalada Muqdisho iyadoo loo diiday in ganacsatada suuqa iyo dadweynaha ka dukaamaysto ay galaan Suuqa Xamarweyne halkaas oo maanta uu ka socdo baaritaakii ugu xooganaa tan iyo markii ay weerareen kooxa ka tirsan Shabaab Maxakmada Gobolka Banaadir.
Saraakiil u hadlay Gobolka Banaadir ayaa sheegay in wax ka qaban doonaan xaalada amaan xumo ee ka jirta magaalada Muqdisho oo kooxo ka tiorsan Shabaab ay ka gaystaan dhibaatooyin lagu hayo shacabka Soomaaliyeed.
Source: Waasan Media