Waxaa Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliyaka socda howlgalo balaaran oo baaritaano ah, iyadoo howlgalkaasi uu ka socdo Degmada Magaalada Muqdisho, waxaana si wadajir ah u wada ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Ciidamada ayaa howlgalkaan ku xaqiijinaayaan ammaanka Magaalada Muqdisho , iyadoo howlgalkaan uu hadda ka socdo Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir, waxayna ciidamadu qabqabteen dhalinyaro fara badan oo laga shakisan yahay.
Howlgalada Ciidamada ayaa maalmahaan dambe Magaalada Muqdisho xaafadaheeda kala duwan, iyadoo howlgalka saakay uu ka socdo Degmada Hodan oo xaafadaheeda kala duwan ciidanka ay baarayaan.
Deegaanada warshada Caanaha,KPP ilaa iyo Xaafada Al-Baraka ayey ciidamada Dowladda ka wadaan baaritaanada ay ku baadigoobayaan shaqsiyaad gaar ah.
Source: Somaliweyn