Dagaal Culus oo ka dhacay Duleedka Magaalada B/weyne

0
1025
Markacadeey.com

Markacadeey.comWararka ka imaanaya Magaalada B/weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku soo warramaya in Galbeedka Magaaladaasi uu xalay ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab.

Goob Joogayaal diiday in Magacooda loo adeegsado Warbaahinta ayaa Shabelle u sheegay in dagaalkaasi uu ka dhashay Khasaaro xoogan oo soo kala gaaray labad dhinac iyadoo Goobihii xalay lagu dagaalamay lagu soo warramayo in saaka ay degenyihiin.

Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay dhinacyadii ku dagaalamay deegaanadaasi ka tirsan Gobolka Hiiraan hayeeshee Maalmihii dambe ayaa duleedyda Magaalada B/weyne waxaa ka dhacayay dagaallo u dhexeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay kaabayaan AMISOM iyo kooxo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Source: Shabelle