Dagaal xalay ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo oo sababay khasaare lixaad leh

0
1608
Markacadeey.com

Markacadeey.comWararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in dagaal xalay ka dhacay magaaladaasi ay ku dhinteen dad shacab ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Dagaalkan sababay dhimashada iyo dhaawaca ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Suuqa Xoolaha ee magaalada Baydhabo,waxaana soo qaaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada madaniga ee magaalada Baydhabo ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen kooxda nabadiidka ah ee Al-shabaab, hase yeeshee waxa uu tilmamaay inay si kal iyo laab ah ay uga hortageen weerarkaasi.

Wuxuu sheegay taliyaha in qasare lixaad leh ay gaarsiiyeen rago weerarka ku soo qaaday walow uusan si cad u tilmaamin taliyaha inta uu la’egyahay qasaarahaasi uu sheegayo.

Dhanka al-shabaab wax war ah oo ku aadan dagaalkaasi kama soo bixin, walow suurta gal ay tahay in saacadaha soo aadan ay sheegtaan masuuliyada dagaalka xalay ka dhacay Baydhabo.

 

Source: Somaliweyn