Doowlada FS ayaa xirtay nin u dhashay dalka Koofur Afrika una shaqeeynayay shirkada SKA, kaasoo dhawaan nin Soomaali ah ku dilay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Dhawaan ayay ahayd markii uu nin Koofur Afrikaan ah uu garoonka diyaaradaha Muqdisho ku dilay nin Soomaali ah kana mid ahaa xamaaliga shirkadaha diyaaradaha.
Wararkii ugu danbeeyay ee ku saabsan ninkaan Koofur Afrikaanka ah ee u shaqeeynayay shirkada SKA ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ku xireen laanta danbi barista CID ee magaalada Muqdisho.
Mid kamid ah ehelada ninka xamaaliga ah ee lagu dilay garoonka diyaaradaha muqdisho, ayaa warbaahinta Muqdisho u xaqiijyay in la xiray Ninka Koofur Afrikaanka ah, waxaana ehelada ninka ladilay ay doowlada ugu baaqeen in cadaalada lasoo taago ninka Koofur Afrikaanka ah ee dilka Geystay.
“Waxaa laga war helay ninkii Koofur Afrikaanka ahaa oo garoonka diyaarad ka raacaayo laakin Ciidanka katirsan Booliska yimid waxayna kasoo dajiyeen diyaarada waxaana lagu xiray CID-da” ayay tiri Gabar uu adeer u ahaa marxuumka lagu dilay Garoonka diiyaaradaha.
Majirowax war ahoo kasoo baxay dhanka saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya eek u aadan xiritaanka ninkaan Koofur Afrikaanka ah ee muwaadinka Soomaaliyeed ku dilay wadankiisa Hooyo.
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa soo badanayay falalka foosha xun ee ay lakulmaan Soomaalida ku nool dalka Koofur Afrika, kuwaasoo mar walbo dhac iyo dilal ka baxsan bini’aadanimada lagula kaco.
Source: Midnimo