Dhinacyadii Kismaayo ku dagaalamay oo sheegay ineey Nabada qaateen

0
1453

Kismayo20130608Dhinacyadii ku dagaalamay magaalada Kismaayo ayaa sheegay ineey nabada qaateen, si loogu turo shacabka ku nool magaaladaas.

Labada dhinac ayaa sheegay ineey soo afjareen xaaladii siyaasadeed ee markii hore sababtay ineey dagaalamaan.

C/naasir Seeraar oo ah afhayeenka Raaskambooni, ayaa waxa uu sheegay inuu dhamaaday dagaalkii ka dhacayay Kismaayo, xaalkana uu hada yahay mid lagu loo raadinayo dhanka Nabada.

“Xaalada waa dagantahay 100% aad beey u fiicantahay dagaalkiina waa dhamaaday” ayuu yiri Seeraar

Iftix Xasan Baasto, oo ahaa ninka dagaalka kula jiray dhinaca Axmed Madoobe, ayaa isna sheegay inuu qaatay xabad joojin nabada uu ka shaqeeynayo.

“Odoyaasha waxgaradka iyo bulshada ayaa waan waan nabadeed noogu baaqay waana qaadanay, laakiin manaxayaasha Raaskambooni diyaar uma ahan arintaas” ayuu yiri dhankiisa Iftin Xasan Baasto.

Xaalada magaalada Kismaayo ayaa maalmihii lasoo dhaafay ahayd mid qasan, iyadoona ay ku dagaalameen Ciidamo ay kala wataan Axmed Madoobe iyo Iftin Xasan Baasto oo labadooduba wada sheegtay ineey yihiin madaxweynayaasha Jubaland.

 

Source: Waasan