Hay’adda Dowladda Kenya u Qaabilsan Arimaha Qaxootiga ayaa sheegtay in ay bilaawday qorshe dib loogu soo celinayo Qaxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha Dalkaasi Kadib markii dhawaan arintaasi ay ka wada hadleen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, Dowladda Soomaaliya iyo hay’adda arimaha Qaxootiga ee dalka Kenya ayaa si wadajir ah u sheegay in ay wadaan qorshe ku aadan dib usoo celinta Qaxoootiga Soomaalida ee ku sugan xeryaha Qaxootiga ee ku yaala dalka Kenya.
Ku simaha madaxa dowladda Kenya laanteeda arimaha Qaxootiga Badu Kattello ayaa sheegay in go’aan wadajir ah laanta qaxootiga ee Kenya iyo dowladda Soomaaliya ka soo saareen dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Qaxootiga ee dalkaasi.
“Labada dhinac oo kaashanaya hay’adda Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa u qaabilsan arimaha qaxootiga ee UNHCR waxa ay go’aan ku gaareen in dib loo celiyo dadka Soomaalida ah ee ku sugan xeryaha qaxootiga ee waqooyi bari wadanka Kenya” sidaasi waxaa sheegay Badi Katello.
“waa in aanan lagu fududannin arinta ku aadan raritaanka Qaooxtiga Soomaalida ee halkaasi ku sugan, iyadoo aan la hubin qaabka straatiiji ahaan loo rarayo waaana laga fikiray qorshahaasi, iyadoo lala kaashanayo hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Waa in dadka qaxootiga Soomaalida ah ay kaa faa’ideystaan qorshahan dib dalkooda loogu celinayo maxaaa yeelay waxay u tahay fursad aad u wanagsan in ay dalkooda ku laabtaan.
Dowladda Kenya leenteed arimaha qaxootiga ayaa ugu baaqday UNHCR in lasii balaariyo qorshaha dib u soo celinta qaxotiga Soomaaliyed ee dalka Kenya jooga.
Madaxweynaha ku xigeenka dalka Kenya William Retour aya qorshahan ku tilmaamay midka ugu haboon oo suura gelin kara dib u rarida dadka Soomaalida ah ee ku sugan wadankaasim isgoo ku xusay in tani ay tahay wadada keliya ee uu ku hagaagi karo mustaqbalka dadka hadda Qaxootiga ku ah wadnakaasi.
Source: Radio Muqdisho