Drs. Maryan Qaasin ”Si loo helo road-Map Laga ambaqaado dib u habeynta Waxbarashada waxaan go’aansannay inan qabanno shirweyne qaran”

0
1306

MaryanQaasim20130617Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay shirweynaha heerka Qaran ee dib u habeynta Waxbarashada Dalkeenna ayaa shaacisay in ujeedada shirkan ay noqon doonto sidii loo diyaarin lahaa qariidada dib u habeynta iyo horumarka Waxbarashada Dalkeenna.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshada Drs Maryan Qaasim oo shirkan ay wasaaradeedu soo qaban qaabisay ayaa sheegtay in dhinacyada shirkan ka qeybgalaya ay yihiin kuwo mug leh, islamarkaana go’aanno iyo tallooyin wax ku ool ah kasoo saari kara sidii waxbarashada Dalkeenna loo hormarin lahaa.

‘’Si waxbarashada loo hagaajiyo, waxaan u baahanay meeshii laga ambaqaadi laheyn waxaan goosanay inaan qabano shirweyne Qaran waxaana ku casuunay ergooyin kala duwan, waxaana ka qeybqaadanaya maamul goboleedyada oo ergadoodii aan maanta Airporka ku soo dhaweynay, sidoo kale waxaan casuuunay bulshada qeybaheeda kala duwan, sidoo kale waxaan casuunay qurbajoogta waxaan casuunay culumaa’udiinka iyo aqoonyahanka waxaa intaasi sii dheer dalladihii waxbrashada, waxaa ku jira wafdiga shirka ka qeybgalaya dad ajnabi ah oon dibadaha ka casuunay’’ Sidaasi waxaa yiri Maryan Qaasin Wasiirka horumarinta adeegga Bulshada.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayeey Drs. Maryan Qaasin waxey rajo wanaagsan ka muujisay in shirkaasi ay ka soo bixi doonaan talooyin wax ku ool ah oo aas’aas u noqon doona qariidada dib u habeynta manaahijta dalka.