Faah Faahinno ka soo baxaya Weerarkii UNDP iyo dowladda oo ka hadashay

0
1311

QaraxUNMuqdisho20130619_1Shabelle – Weerarkaan oo ay fuliyeen kudhawaad 10 Nin oo xirraa dareeska Ciidamada Dowladda Soomaaliya ,xirraana waxyaabaha Qarxa ayaa Barqanimadii Maanta waxaa lagu qaaday Xarunta UNDP oo ku taalla inta u dhexeysa KM4 iyo Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Gaari Nuuca Soomaalidu u taqaan Kaaribta oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ,islamarkaana uu saaraa Nin Naftii hura ah waxaa lagu Weeraray Iridka Hore ee Xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa markii u dhacay kadib ayaa Rag kulabisan Dareeska Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Watay Qoryaha Boobayaasha waxa ay Xabad ku galeen Xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho ,waxaana halkaasi uu iska hor’imaad ku dhexmaray Ilaalada Xarunta iyo Kooxihii ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

Kooxahaasi ayaa markii ay gudaha u tallaabeen waxaa islamarkiiba bilowday weeraro Qaraxyo ah oo kooxaha Gudaha galay ay fuliyeen.

Afar ka mid ah Ilaalada Xarunta ayaa lagu dilay afaafka hore ee Xarunta Iyadoo sidoo kale Goobta ay yaalleen dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al Shabaab ,waxaa sidoo kale Iridka Hore ku dhintay dad isugu Jira Haween iyo Rag oo qaarkood halkaasi ku ganacsanayay.

Intaas kadib ayaa Goobta waxaa soo gaaray Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM , Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo Cadaan ah oo Gaadiidka AMISOM ay ka keeneen Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Kooxahaan ka tirsanaa Al Shabaab ayaa muddo ka badan Saacad Haystay xafiisyada UNDP ee Maanta la weeraray.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ,Wasiirka Gaashaandhiga , Saraakiisha Ciidamada Buliiska , iyo kuwa Nabad Sugida Qaranka ayaa Goobta soo gaaray waxaana Goobta lagu daadiyay Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka dowladda Soomaaliya.

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka o Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarka ay ku Geeriyoodeen 5 Ruux oo ajnabi ah oo mid uu yahay Madow sida uu hadalka u dhigay Wasiirka ,isagoo intaasi kudaray in 4 ka mid ah Ilaalada Xarunta ay iyana Weerarkaasi ay ku geeriyoodeen.

Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay Toogteen 7 ka mid ah Dagaalyahannada Ururka Al Shabaab ee iyagu Weerarka ku soo qaaday Xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho.

Ma jiro wax war ah oo ka soo Baxay Saraakiisha Qaramada Midoobe ee Ku sugan Soomaaliya balse waxaa dib u dhac uu ku yimid Shir Jaraa’id oo ay si wada Jir ah u qaban Rabeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud iyo Nicolas Key Ergayga Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa sheegtay Masuuliyadda Weerarka maanta lagu qaaday Xarunta Qaramada Midoobe ee Muqdisho iyagoo sheegay in kudhawaad 20 qof oo ajnabi ah ay ku dileen Weerarkaasi kuwaasi oo isugu jiray Cadaan iyo Afrikaan sida War ka soo baxay Warfaafinta Al Shabaab lagu sheegay iyagoo sidoo kale sheegay in tiro kale oo isugu jirta Soomaali iyo Caddaan ay ku dhaaweceen Weerarkaasi.

 

QaraxUNMuqdisho20130619_6

 

QaraxUNMuqdisho20130619_5

 

QaraxUNMuqdisho20130619_4

 

 

QaraxUNMuqdisho20130619_7

QaraxUNMuqdisho20130619_2

 

QaraxUNMuqdisho20130619_3

 

QaraxUNMuqdisho20130619_1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Source: Shabelle