Hay’adda Cilmi baarista iyo nabadda ee (PDRC) oo la tashatay guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah iyo Ururada siyaasadda Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay guddiga kormeerka doorashooyinka Puntland.
Agaasime ku xigeenka PDRC Cali Faarax oo ka hadlay munaasibadda lagu soo bandhigayey guddigan iyo xubnaha loo xulay inay ka mid noqdaan ayaa sheegay in guddigan aoo sagaal xubnood ka kooban ay xulidooda kala tashadeen Ururada siyaasadda,guddiga doorashooyinka,Culimada,odayaasha dhaqanka,qurba joogta iyo qaybaha kele ee bulshada.
“Ururada siyaasadda iyo guddiga doorashooyinku way nagu raaceen xulashada xubnaha guddigan kormeerka doorashooyinka Puntland”ayuu yiri Cali Faarax.
Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre oo isna ka hadlay masha lagaga dhawaaqyey guddigan ayaa soo dhaweeyey xubnaha guddigan loo magacaabay,wuxuuna xusay in hawsha loo ikmaday ay tahay hawl culus Ilaah buu ka baryey inuu u fududeeyo.
Barre ayaa ku dheeraaday dhabahii loo soo maray hanaanka dimuqraadiyadda Puntland,beesha caalamka ayuu uga mahad celiyey taageerada ay la garab taagan yihiin socod siinta hanaanka dimuqraadiyadda Puntland.
PDRC & Interpeace ayuu sheegay inay qayb weyn ay ka qaadatay hanaanka geedi socodka dimuqraadiyadda iyo sidii looga gudbi lahaa habkii wax ku qaybsiga beelaha oo Puntland 14 sano ay isku maamulaysay.
1.Mr.Nuur Maxamed Nuur
2.Mr.Cabdulqaadir Jaamac Faarax Wayrax
3.Cabdiraxmaan Diiriye Samatar
4.Siciid Cali Maxamed
5.Mr.Maxamed Ismaaciil Maxamed
6.Mr.Cabdio Faarax
7.Mrs.Aamina Jaamac Cabdi
8.Mrs.Aamina Xasan Cali Maax
9.Maxamed Caynab Maxamed
Inta badan xubnaha guddigan ka midka ah ayaa joogay munaasibadda lagaga dhawaaqayey guddigan oo PDRC lagu qabtay.
Source: Allpuntland