Guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh/hoose Isaaq Maama Caliyoow oo Wareysi Gaar ah siinayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Qeylo dhaan Ka muujiyay Xaaladda Ammaan ee degmadaasi.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Magaaladaasi ay ku suganyihiin Ciidamo fara badan oo ka tirsan Milatariga dowladda Soomaaliya oo aan La garaneyn halka ay ka amar qaataan.
Isaaq Maama Caliyow Guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn ee dowladda Soomaaliya ayaa dhanka kale sheegay in Degmadaasi ay yaallaan Labo Jid gooyo oo lacago Sharci darro ah looga qaado dadka Shacabka ah ee Isticmaala wadadaasi.
Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn ugu Baaqay Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya in ay ka dul qaado Ciidamadaasi degmada Wanlaweyn ayna keento bedelkooda Ciidamo Asluubeysan.
Source: Shabelle