Maamulka gobolka Shabeelada Hoose oo faah faahin ka bixiyey howlgalo ay maalmahan magaalada Marka ka wadeen Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay in howlgalladaasi lagu soo qabqabtay bambaanooyin gaaraya ku dhowaad 100 xabo, qoryaha fud fudud iyo dhalinyaro lagu tuhmayo iney ka tirsanyihiin argigixisada Al-Shabaab
Gudoomiyaha maamulka gobolka Shabeelada Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo xalay wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya isaga oo ku sugan magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi ayaa faah faahin ka bixiyey ugu horeyn howlgallo ay maalmihii lasoo dhaafay ka fuliyeen xaafado ku yaala magaalada Marka Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed, iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaanna Ciidammo ka socda dalka Burundi.
Gudoomiyaha ayaa xusay in howlgalladaasi oo ahaa kuwo si isdaba joog ah loo fuliyey ay ka dambeeyeen kadib markii ay hay’adaha ammaanka Shabeelada Hoose heleen xog ku aadan in guryo ku yaala xaafada Horseed ee magaalada Marka ay ku qarsanyihiin hub iyo walxaha qarxa waxaana uu intaa ku daray in guryahaasi la tuhunsanaa ay Ciidammadu kasoo qabteen hub ay ka mid yihiin bambaanooyinka qaraxyada loo adeegsado oo gaaraya 100 xabo iyo qoryaha fudud.
Gudoomiyaha Maamulka gobolka Shabeelada Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ay in howlgalladaasi ay sidoo kale kusoo qabteen dhalinyaro lala xiriirinayo iney ka tirsanyihiin maleeshiyaadka kooxda khawaarijta ah ee Al-Shabaab kuwaasi oo tiradoodu ay gaareyso 30 ruux qaarkoodna lagu hayo cadeymo buuxda oo dhowaana maxkamad la soo taagi doono.
Howlgalladii ugu dambeeyey ee ay Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed qeybta ka howlgasha saldhiga degmada Marka iyo Ciidammo ka tirsan dalka Burundi ay ka sameeyeen xaafado ku yaala magaalada Marka ayaa keenay in durbaba isbedello dhanka ammaanka ah laga dareemo magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose.
Source: Radio Muqdisho