Howl Gallo laga sameeyay Magaalada Muqdisho

0
1228

AlshabaabLaQabteyHowl galladaani ayaa la sheegay in lagu sugayo ammaanka waxaana Xalay ay ka dheceen intooda badan Degmoyinka Gobolka Banaadir iyadoona lagu arkaayay isgosyada waaweyn Magaalada Muqdisho Ciidamo Fara badan kana Tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Dowlada ayaa waxa ay si weyn u baarayeen Gaadiidka dad weynaha isticmaala waddooyinka Magaalada Muqdisho iyadoo ay bar bar socdeen Qab Qabashada Dadka looga Shakiyay in ay gacansaar la leeyihiin Xarakada Al Shabaab oo si ba’an uga soo Horjeeda Jiritaanka Dowladda Soomaaliya.

Howl gallada ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa waxa intooda Badan Ciidamada Dowladda ay fuliyaan marka ay Dhacaan weerarada ismiidaminta ah ay kuwaasi oo ay geystaan Al Shabaab waxaana Howl galadaasi ay Caadi ka noqdeen gudaha Magaalada Muqdisho.

Lama ogo Tirada Rasmiga ah ee loo qab qabtay ku lug lahaanshiyaha Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho mana jirto illaa iyo imanka Cid ka tirsan Masuuliyiinta Ammaanka oo ka hadashay Howl galladaasi laga sameeyay Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee Magaalada Muqdisho waxaa ka Dhaca Howl gallo lagu Sheego in lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho.

 

Source: Shabelle