HRW oo Baarlamanka Soomaaliya ugu baaqday dar dar galinta arimaha ku aadan xuquuqda Aadana

0
1530

barlamaanka20121229_2Warbixin ay saakay soo saartay hay’ada xuquuqda aadana udooda ee QM HRW ayaa lagu sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu dardar galiyo hanaanka mashruuca qaanuunka xuquuqda aadanaha, waxaana baarlamaanka loogu baaqay in ay qabtaan kulamo ay ay kaga doodayaan arimaha xuquuqda aadanaha.

Gudiga baarlamaanka Soomaaliya ugu xilsaaran arimaha xuquuqda aadanaha, ayaa warbixinta HRW waxay usoo jeedisay in door weyn ay ka ciyaarto xal u helida dhibaatada xuquuqda aadanaha ee kajirta Soomaaliya.

Dastuurka KMG Soomaaliya waxaa ku xusan soo dhisida gudi qaran oo dhanka xuquuqda aadanaha sida ay 30ka bishii May baarlamaanka Soomaaliya ugudbisay wasaarada Garsoorka xukuumada Soomaaliya.

‘Waxaa jiri doonta in mar 2ad ka aqriyo mashruucaas kadibna waxaa loo gudbin doonaa gudiga baarlamaanka Soomaaliya ugu magacaban arimaha xuquuqda Haweenka.

HRW ayaa dhowr jeer waxa ay Soomaaliya kasoo saartay xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee Soomaliya kadhaca, sida dilka iyo kufsiga oo masuuliyadeeda dusha looga tuuro Dhinacyada isku haaya siyaasada Soomaaliya.

HRW ayaa soo jeedisay in lasoo dhiso gudi baara tacadiyada xuquuqda aadanaha kadhanka ah ee Siyaasada Soomaaliya lala xiriirinayo.

Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu booriyay in ar raacdo mashruuca Khaanuun ee heshiiskii Paris QM eek u aadanaa howsha gudiga qaranka Xuquuqda aadanaha.

Heshiiska Paris ayaa xusaya in hay’adaha qaranka xuquuqda aadanaha la siiyo awooda ballaaran oo qof walbo xog uu uga dhagaysan karo ayna tagi karaan goob walbo oo ay u arkayaan in Macluumaad ay uga xirantahay.

Source: Waasan Media