ILO oo ka hadashay shaqaaleysiinta carruurta da’da yar

0
1451
Somalia, child soldier

Somalia, child soldierUrurka caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka ee ILO ayaa soo saaray warbixin uu kaga hadlayo shaqaaleynta carruurta yar yar ee aan wali qaan gaarin.

Warbixinta ururka oo ku soo beegantay xuska 12-ka June oo ku beegan maalinta caalamiga ah ee ka hortagga shaqaaleysiinta carruurta ayaa lagu sheegay in waddamada ugu badan ee ay ka jireen dhibaatada shaqaaleynta carruurta ay ku yaallaan bariga Africa gaar ahaan dalalka Soomaaliya, Kenya, Ethiopia iyo Uganda.

ILO ayaa sheegtay in ay sii kordhayaan tirada carruurta ee sida aan sharciga aheyn loo shaqaaleysiiyo, taasoo burbur ku ah dhismaha mustqabalka carruurta da’da yar.

Waxay hay’addu xustay in qorshaha ay ugu jirto sidii meesha looga saari lahaa shaqaaleynta carruurta oo ay ku tilmaantay mid xadgudub ba’an ku ah xuquuqda cunugga yar.

Warbixintu waxay muujineyso in carruurta inta badan ay ka shaqeeyaan guryaha iyo goobo kale oo aan muhim aheyn, iyadoo ku baaqday in si deg-deg ah loo soo afjaro dhaqanka noocaas oo kale ah.

Caalamka oo dhan ayaa maanta laga xusayaa maalinta ka hortagga shaqaaleynta carruurta oo ay Qaramada Midoobey aqoonsan tahay. 

 

Source:  Bar-kulan