Jawaari oo sheegay in xildhibaanno loo diri doono Koonfur Afrika

0
1516

Jawaari20130503_5

Guddoomiyaha baarlamaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka hadlay kulan ay shalay baarlamaanku ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in xubno ka tirsan baarlamaanka ay u diri doonaan dalka Koonfur Afrika si ay u soo qiimeeyaan xaaladda jaaliyadda Soomaalida ah ee halkaas ku dhaqan.

Jawaari ayaa tilmaamay sida baarlamaanka Soomaaliya uu uga xun yahay dhibaatada iyo dilalka loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka koonfur Afrika, isagoo sheegay in baarlamaanku uu guda galayo sidii xal loogu heli lahaa Soomaalida ku dhibaataysan dalkaasi.

Wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay si deg-deg ah  u qaaddo tallaabo diblamaasiyadeed iyo qaab kasta oo u saamaxaya inay ku joojiso waxyeellada ummadda Soomaaliyeed, ayna taageerto qoysaska ay dhibtu soo gaadhay.

Jawaari ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Koonfur Afrika iyo Beesha caalamku inay joojiyaan dilalka iyo dhibaateynta lagu hayo jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika.

 

Source: Bar-kulan