Jeylaani Iikar oo la kulmay afhayeenka baarlamaanka Belgium

0
1335

JeylaniNurIkar20130619_1Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar iyo wafdi uu hoggaaminayay oo uu wehliyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo dalka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa magaalada Brussels ee xarunta waddanka Belgium kulan kula yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka dalka Belgiumka Sabine De Bethune.

Kulanka oo ka dhacay xarunta baarlamaanaka dalka Belgium ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen sidii ay is kaashi dhan walba ah u yeelan lahaayeen labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Belgium, iyagoo isku af gartay inay yeesheen xiriir wada shaqeyneed oo joogta ah.

Wafdiga baarlamaanka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Jeylaani Nuur Iakar ayaa magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub uga qeyb galay kulanka baarlammaanada Africa iyo Yurub muddo 20sano ah kaddib.