Dowladda Kenya ayaa la sheegay in ay billowday qabanqaabada shir caalami ah oo looga tashanayo sidii qoxootiga Soomaalieed ee dalkeeda ku nool dib loogu celin lahaa Soomaaliya
Shirkan ayaa la sheegay in uu dhici doono bisha August ee sannadkan 2013-ka, waxaana si wadajir ah qaban doona dowladaha Kenya, iyo Soomaaliya iyo hay’adda qoxootiga adduunka ee UNHCR oo ay ku wehlisa ururka calaamiga ah ee caawisa muhaajiriinta (IOM).
Wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya, Aamina Maxamed ayaa Isniintii sheegtay in hay’adaha caalamiga ah ay goor hore sahmiyeen dhul nabad ah oo la dejin karo qoxootiga, ayna ku howlan yihiin diyaarinta wixii agab ah ee la siin lahaa.
Mr. Amiina ayaa hoosta ka xariiqday in Kenya ay martigalisay Hal Milyan oo qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo laga diiwaan-geliyay 600,000 oo keliya.
“Hay’adaha samafalku waxay dhameystireen warbixinnada ku saabsan halka ay qoxootigaas markii hore ka yimaadeen, kala bar ka mid ahna waxay sheegeen inay kasoo gudbeen soohdinta Kenya iyo Soomaaliya labadii sano ee lasoo dhaafay,” ayay wasiiraddu ku sheegay shir jaraa’id oo warbaahinta Kenya ay u qabtay, iyadoo intaas ku dartay: “Waxaan ku faraxsanahay in 50% qoxootigaas ay ku talo-jiraan inay si iskood ah dib ugu laabtaan dalkii ay u dhasheen.”
Ugu dambeen wasiirka arrimaha dibedda Kenya ayaa ka dhawaajisay in waddamo ku yaalla Asia a ay weydiisteen inay dalkeeda ka caawiyaan sidii qoxootiga Soomaalida dalkooda dib loogu celin lahaa, kaddib muddo 20-sano ka badan oo ay Kenya ku noolaayeen.
Madaxweynayaasha waddamada Kenya iyo Soomaaliya ayaa dhawaan shir ay ku yeesheen magaalada Nairobi waxa ay halkaas ku heshiiyeen in qoxooiga Soomaalida ee ku nool gobalka waqooyi bari Kenya dib loogu celiyo dalkooda.
Slource: Midnimo