War saxaafadeed laga soo saaray wasaarada arimaha dibada dalka Kenya ayaa lagu sheegay in dowlada Kenya imika ay diyaar u tahay in ay si dhow ula shaqeyso saraakiisha ciidamada dalka Soomaaliya si amaanka magaalooyinka muhiimka ee Soomaaliya loo sugo.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM kuna sugan Soomaaliya ay sii wadi doonaan dadaalada ay sheegeen in ay nabad kaga dhalinayaan Soomaaliya.
Wasaarada arimaha dibada dalka Kenya ayaa weerarada ka dhacaya Soomaaliya ku tilmaantay kuwa ku yimaada xil iska saarid la’aan sugida amaanka Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.
Waxaana war saxaafadeedka lagu dhaleeceeyay Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Xarunta hay’ada Barnaamijyada horumarineed u qaabilsan Qaramada Midoobay ee ku taala Magaalada Muqdisho, iyadoo Kenya tilmaantay in ay la qeybsaneyso dhibta ehelada dadkii waxyeelada soo gaartay.
Kenya ayaa ka wal walsan dhibaatooyinka amaan darri ee ku sii baahaya Soomaaliya, waxayna ka murugooneysa geerida shaqaalaha ajaanibta ah ee ku dhintay weerarkii ka dhacay xarunta UN-ka Muqdisho.
Ugu dambeyn dowlada Kenya ayaa beesha caalamka ka codsatay in Soomaaliya laga taageero Sidii amaanka guud ahaan dalka loo sugi lahaa, waxayna Kenya adkeysay dagaalada lagula Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama.
Source: Waasan