Xarunta UNDP ee Muqdisho oo la weeraray

0
1686

MuqdishoMap20130619Wararka naga soo gaarayo magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in weerar culus lagu qaadday goor dhaweyd xarunta hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta ee UNDP oo ku taalla agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan.

Qaraxyo loo maleynayo in ay ismiidaamin yihiin ayaa laga maqlay bannaanka hore ee xarunta, iyadoo goob-joogayaashu ay sheegeen in dabley aad u hubeysan ay gudaha u galeen xarunta, lana dagaalamayaan ilaalada.

Rasaas ayaa laga maqlayaa gudaha xarunta, waxaana goobta gaaray ciidamada dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku hareereeyey dhismaha.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac aan la xaqiijin inta ay la’eg yihiin ayaa ka dhashay weerarkan.

Wixii warar ah ee ka soo kordha dib ayaanu idin kaga soo gudbin doonaa.

 

Source: Bar-kulan