Kooxo ka wada tirsan Al Shabaab oo isku laayay Degmada Baraawe

0
966

Dhalinyarada20130618Wararka aan ka heleyno Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose ayaa waxa ay ku soo warramayaan in halkaasi ay taagantahay Xiisad u dhexeysa Kooxo kawada tirsan Ururka Al Shabaab.

Xiisaddaan ayaa soo billaabatay Gelinkii dambe ee shalay oo halkaasi lagu dilay Sarkaal Ajnabi ah oo dhalasho ahaan ka soo Jeeda dalka Suudaan kaasi oo la sheegay in Madaxa loo galiyay Jawaan kadibna lagu jiiday Meydkiisa Magaalada Gudaheeda

Xilli Maqribaddii ah xalay ayaa waxaa Gebi ahaanba Hawada laga saaray Isgaarsiintii Degmada iyadoo illaa 6 qof oo dhammaan dagaalyahanno isugu jira Ajnabi iyo Soomaali halkaasi lagu dilay oo ka wada tirsanaa Al Shabaab.

Isgaarsiinta ayaa Saaka hawada ku soo laabatay iyadoo weli Cabsi iyo qal qal Xoogan ay dareemayaan dadka deegaanka.

Warar Hoose oo ay Shabelle Heleyo ayaa sheegaya in Dagaalka uu salka ku hayo Khilaafkii u dhexeeyay Masuuliyiinta Al Shabaab ee ay kala Hoggaaminayaan Amiirka Guud eee Kooxda Al Shabaab Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr iyo Kuwa ku saf ah Abuu Mansuur Al Amriiki oo ay taageerayaan Saraakiil uu Ka mid yahay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Wararkii ugu dambeeyay ee Saaka Laga helayo Degmadaasi Baraawe ayaa waxa ay ku soo warramayaan in Gudaha Degmada Baraawe uu ka soconayo Howl gallo lagu soo qab qabanayo dagaalyahannadii xalay dagaalka looga itaal roonaaday ee taabacsan Abuu Mansuur Al Amriikii Howl galkaasi oo ay wadaan Ciidamo taabacsan Hoggaamiyaha Al Shabaab Sheekh Abuu Zubeyr.

 

Source: Shabelle