Lix Qofood Oo Ku Geeriyootay Bus Ay Rasaas Ku Fureen Dabley Hubeysan

0
1335

MandeeraAttach20130613Saraakiisha amaanka gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa faah faahin kabixsay kooxo hubeysan oo rasaas ku furay Bus marayay meel ku dhow Magaalada Mandheera kaas oo ay ku dhinteen ilaa 6 ruux oo ay ku jiraan 2 Caruur ah.

Dhimashada Lixdani ruux oo ay ku jiraan arday ayaa waxa ay timid kadib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaari Bus ah oo ku safrayay waddo dheer oo u dhow magaalada Mandhera.

Saraakiil ka tirsan Booliiska dalkaasi ayaa sheegay in aan la garaneyn dableyda falkaasi geysatay laakiin waxey xuseen in maamlihii la soo dhaafay ay jireen dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeyay beelo wada deegaanka nawaaxiga shilku ka dhacay.

Dadka geeriyooday waxaa ka mid ahaa arday isu jirta wiilal iyo gabdho kuwaas oo saarnaa Buska, sidaasina waxaa sheegay taliyaha ciidanka Booliiska gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya Josef Tinaya oo la hadlay wakaalada wararka AFP.

 

Source: Radio Muqdisho