Dhaqaatiirta Cisbitaalka Madiina ee magaalad Muqdisho ayaa la tacaalaya dhawacyada Afar ruux oo ku dhaawacamtay qarax maleeshiyaadka Alshabab shalay ay ka geeysteen degmada Walaweyn ee Gobolka Sh/Hoose.
Duniyo Maxamed oo ka mid ah howlwadeennada Cisbitaalka Madiina ayaa Warbaahinta Qaranka uga warbarbixisay dhaawacyada la soo gaarsiiyay cisbitaalka ee waxyeeloobay qaraxii shabaab ay ka geysteen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.
‘’Dadkii shalay kusoo dhaawacmay Wanlaweyn ee nala soo gaarsiiyay waxeey ahaayeen Afar qofood qof ka mid ah wuu dhintay Sadexdii kale Cisbitalka ayeey jiifaan xaaladooda caafimaadna wey fiicantahay’’ Ayeey Tiri Duniyo Maxamed oo ka mid ah howlwadeenada Cisbitalka Madiina.
Dhinaca kale waxey tilmaantay in cisbitalka ay jiifaan tiro aad u badan oo bukaanno ah kuwaas oo sida ay sheegtay gaaraya ilaa 140, waxeyna intaa ku darty in 24-kii saac ee ugu dambeysay Cisbitalka la keenay 51 qofood oo 31 ka mid ah ay yihiin dad dhaawacyo ay ka soo gaareen Qaraxyo ama xabado kale.
Duniyo ayaa tilmaantay in Cisbitalka Madiina uu Bukaannada u fidiyo adeegyo caafimaad oo isuugu jira Qalliin, Daweyn iyo daryeel.
Source: Radio Muqdisho