Inta La xaqiijiyay 14 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku geeriyootay tiro intaasi kabadanna waa ay kudhaawacmeen kadib dagaal u dhexeeyay Maleeshiyaad Taabacsan Axmed Madoobe iyo Ciidamo taageersan Dowladda Soomaaliya oo ka dhacay Deegaanka Hosingow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Saldhigyada Ciidamada Kenya ee Duleedka Hoosingow ayaa lagu soo warramayaa in Madaafiic ay ka soo dhacayeen inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin in Ciidamada Kenya ay ka qeyb qaateen dagaalkii Maanta ka dhacay Deegaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbad a Hoose.
Xaaladda ayaa iminka ah mid degan inkastoo weli la maqlayo Rasaas Goos Goos ah oo ka dhaceysa aaga lagu dagaalamay ee deegaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Sikastaba Waxgaradka ka soo Jeeda Deegaanka Hoosingow ee Jubbada Hoose ayaa ku baaqaya in La joojiyo dagaalkaasi oo ay sheegeen in uu saameyn xoogan ku yeeshay Shacabka ku dhaqan deegaankaasi.
Dagaalkaan ayaa daba socda Xurguf indhawaanahaanba ka jirta Gobollada La isku yiraa Jubbooyinka oo salka ku heysa Maamul u sameynta Gobolladaasi oo Maadxweynayaal kala duwan ay si iskooda ah halkaasi isugu dhawaaqeen.
Source: Shabelle