Mareykenka, Banki Moon iyo Ingiriiska oo si wadajir ah u cambareyay Weerarkii UNDP ee Muqdisho

0
1154

QaraxUNMuqdisho20130619_4Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Banki Muun ayaa ka hadlay dhacdadii shalay lagu weeraray xarunta hay’ada horumarinta Barnaamijyada ee Qaramada Midoobay ee ku taalo Magaalada Muqdisho halkaasina ay ka dhaceen weerar toos ah oo dhexmaray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kooxihii weerarka ku qaaday Xarunta.

Mr Banki Moon ayaa sheegay in si xoogan uu u cambaareynayo wixii shalay dhacay,isagoona adkeeyay inay siiwadi doonaan dadaalada ay ka wadaan Soomaaliya ee ku aadan caawinta shacabka iyo Xukuumada Soomaaliya.
“Weerarkii shalay lagu qaaday UN-ka Muqdisho waa weerarada aan ka filaneyno dagaalyahanada dowlada ka soo horjeeda,laakiin taasi anaga nama qal qal gilineyso”ayuu yiri Banki Moon.

Sidoo kale 15-ka Xubnooda ee Golaha amaanka ayaa dhankooda cambaareeyay weerarkii shalay Al-shabaab ay ku qaadeen xarunta Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin Muqdisho,iyagoona amaanay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee ka qeyb qaatay dagaalkii shalay kuna guuleystay in saacado ka dib xarunta ay la wareegaan.

Dhanka kale dowlada Mareykanka ayaa qeyb ka ah wadamada sida weyn u cambaareeyay weerarkii shalay 7-dagaalyahano ay ku galeen xarunta Xafiiska Barnaamijyada hormarineed ee Qaramada Midoobay,waxayna ku tilmaameen weerarada laga filan karo waxay ugu yeereen Argagixiso.

War laga soo saaray Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu ka xun yahay wixii shalay dhacay uuna cambaareynayo.

Sidoo kale warka Aqalka Cad ka soo baxay ayaa tilmaamaya in Mareykanka had iyo jeer uu u taagan yahay dadaalada lagu taaageerayo shacabka Soomaaliyeed ee 22-sano ee u danbeeyay dagaalo ku soo jiray.

Sarkaal ka tirsan Aqalka cad ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumada Washitong ay si wadi doonto caawinaada dowlada Soomaaliya iyo dagaalada lagula jiro Ururka Al-shabaab ee dowlada Soomaaliya ka soo horjeeda.

Sidoo kale Xoghayaha arimaha dibada dalka Britain Willian Hagua ayaa war uu ka soo saaray weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho wuxuu ku sheegay in si weyn u cambaareynayaan isagoo ku hadalaya Magaca dowlada.

“Ugu horeyn waxaana si weyn kaga xumahay wixuii dhacay,waxaana xanuunka la qweyb sanayaan dadkii waxyeelada soo gaartay”ayuu yiri Hagua.

Willian Hague ayaa sheegay in arintaan ay ku sii dhiira gilineyso sii wadida taageerada ay siinayaan Xukuumada Soomaaliya iyo dadaalada ay soomaaliya ka wadaan.

 

Source: Somaliweyn