Mas’uuliyiin ka Kala Socotay Jaamacada Jomo Kenyatta iyo Jaamacada Soomaaliya oo ka Wada Hadlay Iskaashi Dhinaca Waxbarashada

0
1434

KenyaUniversity20130615Mas’uuliyiintan ka socday Jaamacada Jomo Kenyatta ee dalka Kenya ayaa ujeedkoodu waxaa uu ahaa sidii is afgarad dhinaca waxbarashada ah uu u dhex mari lahaa labada jaamacadood ee Joma Kenyatta iyo jaamacadda Soomaaliya ee magaaladda Muqdisho.

Madaxweynaha jaamacadda Jomo Kenyatta iyo ku xigeenkiisa ayaa kormeer ku tagay dhowr xarumood oo ay jaamacdda soomaaliya ay ku leedahay gudaha magaaladda muqdisho iyagoona qeyb qeyb u booqday dhamaan qeybaha jaamacadda ay ka koobantahay iyo sida ay ardayda ay wax uga bartaan jaamacada.

Intaasi ka dib ayaa munaasabad ujeedkeedu uu ahaa sidii iskaashi waxbarasho uu u dhex mari lahaa labada jaamacadood waxaa lagu qabtay xarunta jaamacadda soomaaliya ee magaaladda muqdisho.

Gudoomiyaha jaamacadda soomaaliya Maxamed C/weli Shiikh Yuusuf oo ugu horeeyn munaasabadda ka hadlay ayaa ku booriyay ardayda wax ka barata jaamacadda soomaaliya in ay ku dadaalaan waxbarashada isagoona u balan qaaday in albaab walba uu u garaaci doono sidii ardada ay u heli lahaayeen waxbarasho tayeeysan

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka jaamacadda Jomo Kenyatta Ramullu Sediyambu ayaa ka hadlay muhiimada kulankan ay la qaateen madaxda jaamacadda soomaaliya ay la qaateen iyo muhiimada uu u lahaa kulankaasi,isagoo sheegay in ay labada jaamacadoodba ay ka dhigi doonaan kuwo caalami ah.

Iskaashigan dhinaca waxbarashada ah ayaa haddii ay wada saxiixdaan labadan jaamacadood ee soomaaliya iyo jomo keenyatta waxaa la filayaa in uu wax badan ku soo kordhin dooona waxbarashada dalka soomaaliya iyadoona taasi kor u qaadi karta tayada waxbarashada ardayda soomaaliyeed.

Source: Radio Muqdisho