Melbourne:Madaxweynaha PuntlandL oo Xaflad kaga qaybglay Australia

0
1207

Faroole20130616_2Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa xalay magaalada Melbourne ee dalka Australia uga qaybgalay xaflad soo dhoweyn ah oo jaaliyada Soomaaliyeed u qabatay.

Golaha Qurba-joogta Puntland ”PDF” qaybta Australia ayaa soo qaban qaabisay xafladan ,waxana Cumar Faarax Dhoolawaa oo madax ka ah ka soo sheekeeyay waxyaabihii xukuumadda madaxweyne Farole hogaaminayo u qabsoomay tan iyo markii la doortay January,2009.

Dadkii ka hadlay ayaa isku jiray Qunsulka guud ee dalka Australia Yoonis Xaashi ,aqoonyahano ,siyaasiyiin ,culimo ,dhalinayaro ,ganacsato iyo haweenka.waxana ay dhalinyaradu gudoonsiiyeen madaxweynaha hadiyad ka tarjumaysa booqashadiisi ugu horeysay ee dalkan.

Madaxweynaha Puntland ayaa bilowga hadalkiisa mahad balaaran u soo jeediyay jaaliyada Soomaliyeed sida ay u soo dhoweyeen ,isagoona raaciyay in Australia ka dib burburkii ay martigelisay Somali badan.

Ka dib mahad labaad uu u soo jeediyay dowladda Australia uu madaxweynuhu ka mid yahay dadka degan ayuu ku booriyay jaaliyada inay si wanaagsan uga faa’idaystaan fursadaha waxbarasho iyo shaqo ee dalkan ka jira.

Somalia burburkii ka dib shirar dolwadaha loogu dhisayay ayuu ka soo sheekayay madaxweynuhu oo xusay in xalka keliya ee la iskugu keeni karo tahay in la qaato nidaamka Federaalka ah.

”Wadada keliya ee loo marayo dib u heshisiinta Somalia waa in lagu dhaqmo nidaamka Federaalka ah,1998 Puntland ayaa dadkeedu isku tageen si ay u dhistaan maamul u gaar kana mid ah Dowladd dhexe ee Somalia” ayuu yiri.

Xiligii Kacaanka iyo dhibka dadka degan gobollada Waqooyi Bari ku qabeen markay u baahdaan adeegyo caafimaad u safri jiray Muqdisho ,isagoona tilmaamay in hataan Puntland ka jiraan wadooyin ,isbitaalo ,jaamacado dhowaana laga bixin doono PHD.

Jubaland dhismaheeda ayuu ka hadlay Farole oo sheegay inay taageersanyihiin islamarkaasina soo dhowaynayaan oo uu cadeeyay in lagu dhisay shirarkii Somaliland 1994 lagu taagay iyo Puntland 1998.

Doorashooyinka Golaha deegaanka degmooyinka Puntland ayuu madaxweynuhu kalsoonidiisa ka muujiyay inay qabsoomaan xiligii la asteeyay ee 15 July,2013 ,waxana afar urur siyaasadeed ku tartami doonaan kuraasta 37 degmo Puntland.

Hadalkiisu ayuu ku celiyay inuu diyaar u yahay in tartan dhalinyaradu la gasho madaxtinimada Puntland balse aysan suuroobeen in qof ka wayn ama horey siyaasada ugu soo fashilmay uu ka qabto xil Puntland.

Kulankan ayaa ku soo dhamaaday si wanaagsan iyadoona madaxweynaha dadkii ka soo qaybgalay badi la galeen sawiro xasuus ah.

 

Faroole20130616_1

 

Source: Allpuntland