Waxaa maanta deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Soomaaliyeed ee Ximin iyo Xeeb lagu soo gabagabeynayaa ololaha doorshada maamulkaasi, musharaxinta ayaana maanta hortagaya Baarlamaanka maamulkaasi.
Iyadoo lagu jiro maalintii ugu dambeeysay ee ololaha doorashada ayaa haddana isla maanta waxaa Baarlamanka maamulkaasi hortagaya musharxiinta u tartaneysa madaxtinimada maamulkaasi, waxaana lagu wadaa in halkaasi ay ka jeediyaan khudbooyinkooda siyaasadeed.
Guddiga doorashada ee maamulkaasi ayaa xaqiijiyay in Afar Musharax ay isdiiwaangeliyeen kuwaasoo Sadex ka mid ah ay u tartamayaan xilka Madaxweynaha halka midka Afaraadna uu u tartamayo xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka.
Dadka ku nool deegaannada hoos yimaada maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa aad ugu faraxsan in markii ugu horeysay ay arkaan doorashooyin noocan oo kale ah oo si nabad iyo dimuquraadiyad ah uga dhaca deegaanadooda.
Source: Radio Muqisho