Prof: Max’ed Cabdi Gaandi oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo Jeeda Gobollada Jubbooyinka , Xilal kala duwanna ka soo qabtay dowladihii KMG ahaa ayaa waxa uu odayaal dhaqameedyo , waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo Jeeda Jubbooyinka kala hadlay dhibaatooyinka ka taagan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Mr Gaandi ayaa soo Jeediyay in loo baahanyahay in Maamul loo dhanyahay loo sameeyo Gobollada Jubbooyinka taasina waxa uu sheegay in ay tahay midda kaliya ee lagu dajin karo xiisadda Kacsan ee ka taagan Gobolladaasi.
“ Micno kuma fadhiso in Maamul lagu dhawaaqo hase ahaatee aan loo dhameyn, sidaas aawgeed waa in la sameeyo Maamul loo dhanyahay” ayuu yiri Prof: Gaandi.
Sikastaba Siyaasiga Max’ed Cabdi Gaandi ayaa ku guul dareestay hankiisa ku aadanaa in uu noqdo Madaxweynaha Maamulka Jubba Landa.
Source: Shabelle