Sare u kac ku yimid qiimaha lagu kala iibsado Kalluunka suuqyada magaalada Muqdisho

0
1633

FishMarketInMogadishu20130608
Xeebta Muqdisho waxaa haatan kajira dabeylo xoogan, waxaana Xeebta taagan Doomo isku diyaarinaya ineey galaan Badda halkaasna ay kasoo kaluumeystaan.

Waxaan Xeebta Curubo kula kulanay mid kamid ah dadka Malaayga kasoo jilaabta Badda oo sida Kalluun waxaana kala sheekeeysanay Xaalada Badda iyo Kalluunyarda kajirata, waxaana uu noogu jawaabay sida tan.

“Waxaa jira dabeylo iyo xagaay taasoo hoos u dhigtay Malaaygii aan soo jilaaban jirnay, Kiilada Malaayga waxan gadi jirnay qiimo u dhaxeya 60-70 haatana waxaa gadnaa 130-140 Shs”.

Intaasi kadib ayaan usoo dhaqaaqnay dhankaa iyo Kawaanka lagu iibiyo Kalluunka ee degmada X/weyne, waxaana haatan Kawaanka kasocda dayactir xoogan, laakiin afaafka hore ee kawaanka ayaa waxay Ganacsatada Kalluunka ka samaysteen sandaqado iyo Cooshado yar yar oo lagu iibiyo Kalluunka, waxaana goobta ay tahay mid mashquul badan.

Sidoo kale afaafka hore ee Kawanka waxaa yaala gawaari farabadan kuwaasoo isugu jira kuwa Raaxada iyo kuwa xamuulka oo dhamaantoodba lagu qaadayo Kalluun.

“Suuuqa sare’ukac saa’id ah ayaa ku imaaday sababtoo ah waxaan kujirnaa xiligii dabeylaha” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada Kaluunka ku iibisa afafka hore ee Kawaanka malaayga.

Nuucyada Kaluunka ugu badan ee haatan laga soo saaro badda ayaa waxaa ugu badan sida (Yuunbiga, Shooliga).

Dhanka kale Qurba joogta Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabtay dalka ayaa loo sababeeyay ineey qayb kayihiin sare u kaca ku yimid qiimaha lagu kala iibsado Malaayga, waxaana dadka masaakiinta ah ee markii hore gadan jiray Kaluunka ay hatan iibsadaan Madaxa iyo Uus uuska Malaayga.