Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo la gooyay Lacag dhan 300

0
1146

Dhalinyarada20130610Wararka naga soo gaarayo deegaanka Mahadaay ee Shabeelada Dhexe, ayaa sheegaya in Sarkaallagu magacaabo Macallin qadar oo Masuul ka ahaa qaybta Dhaqaalaha ee jidgooyo taalay Degmada Mahadaay ayaa waxa uu kala goostay lacag dhan 300,000$, oo ahayd lacagtii laga qaaday gaadiidka isticmala halkaas.

“Waxay ka qaadaan Halkii gaari oo aysan ku jirin rarka saaran lacag gaareysa Toban Milyan oo Sh Soomaali ah Halka ay Halkii Loor oo saran gaarigii ay ka qaadaan lacag dhan Boqol kun oo sh Soomaali ah’ ayuu Yiri Goob jooge ku sugan Deegaankasi.

Goobjoogayal ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in sarkaalkan uu safar ku maray Buula Barde, Wuxuuna uga sii gudbay B/weyne Waxaana la sheegay in uu gaaray Degmo ka tirsan galgaduud.

Amiirka Shabaab ee gobalka ayaa dacwad u diray amiirka ugu sareeya waxaana uu u sheegeen in hantidii uu dhacay qadar laga doonayo kaba ku dukade, balse wuuu ku gacan sayray Horjooge kuba ku dukade Wuxuuna sheegay in ay iyagu soo magacaabeen Horjoogaha Dhacay lacagihii baadda ahaa ee Safarka looga qadaye Waddooyinka ay joogaan Haraaga Shabaab.

Al-shabaab ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo kala dhexgalay khilaafaad xoogan oo salka ku hayay xaga mabda’a iyo qaabka dagaalka.

Source: Waasan Media