Afhayeenka Ururka Raaskaambooni C/naasir Seeraar ayaa sheegay in dad uu ku tilmaama Fidna wadayaal ay ka dambeeyaan dagaalkii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose isagoona sheegay in dagaalka uu u dhexeeyo Al Shabaab iyo ururka Raaskaambooni.
C/naasir Seeraar ayaa Xusay in ay soo gaba gabeenayaan dagaalka Kismaayo oo sida uu hadalka u dhigay ay kula Jiraan Ururka Al Shabaab.
Sidoo kale Afhayeenka Ururka Raaskaambooni C/naasir Seeraar ayaa Carabka ku dhuftay in dagaalka Kismaayo ay hubeyneyso dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’ud Fiqi oo ku sugan Magaalada Kismaayo dhaq dhaqaaqa Al Shabaab wuxuuna hoosta ka xariiqay in Ururka Raaskaambooni aysan u dul qaadan doonin In dib Kismaayo loogu soo celiyo Ururka Al Shabaab.
Hadalka Ururka Raaskaambooni ayaa imaanaya xilli shalay Magaalada Kismaayo uu ka dhacay dagaal culus oo geystay Khasaaro isugu Jirta dhimasho iyo dhaawac.
Source: Waasan Media