Shirkii wadatashiga ahaa ee looga hadlayay aayaha gobolada dhexe ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu soo gebagebeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeygaleen wasiirro ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulankaasi oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiinta maamulada ka jira gobolada dhexe, Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahano, Haween iyo waxgarad ka soo jeeda gobolada dhexe ayaa gelinkii dambe ee sahalay la soo gebagebeeyay, waxaana war-mureedka shirka halkaasi ka jeediyay Maxamed C/llaahi Tiiceey.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo gebagebadii kulankaasi ka hadlay ayaa ku dhiirigelyay bulshada weynta ku dhaqan gobollada dhexe ee dalka iney dhistaan maamul ay u dhanyihiin, ayna dhinac iska dhigaan wixii khilaafaad ah ee dib u dhac keeni kara.
Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in dowladu ay gacan ku siineyso sidii ay u sameynsan lahaayeen maamul mideeya bulshaweynta ku nool gobollada dhexe ee dalka, wuxuuna ku boorriyay iney markan usoo jeestaan dhinaca horumarka.
Shirkan oo muddo Sadex maamulmood ah ka socdayy magaalada Muqdisho ayaa looga hadlayay aayaha gobolada dhexe ee dalka, iyadoo looga wada tashanayay sidii ay mamaul u sameysan lahaayeen bulshaweynta ku nool gobollada dhexe ee dalkeena.
Source: Radio Muqdisho