Maxkamad ku taala wadanka Kenya ayaa xukun xabsi ah ku riday 9-qof oo Somalia ah oo lagu soo eedeyay burcad badednimo waxana ay wajahayaan xukuno min 5-sanoo xabsi ah.
Maxkamada wadankaasi Kenya ayaa xukunkisa riday kadib markii ay dhagesatay eedenta koxdaasi eek u aadan awooda ay kula dhaqaaqen markab ku socdaalayey gacanka cadan bishi September sanadii 2010-kii.
Waxa xusid mudan in ciidamada la dagalanka koxda burcad badeda Somalia ay iyaga gacanta kusoo dhigeen koxdasi 9-ka qof ka kooban inta aysan u gacan galin dowlada wadanka Kenya si halkasi loogu maxkamadeyo.
Dacwad oogayaasha maxkamada ayaa sheegay in shaqsiyaadkii ay weerarka ay u adegsaden hub kala duwan ayna afduubteen markabkaasi marayay gacanta cadan.
Dhamaan eedesanayasha ayaa beeniyay eedenta looso jediyay.
Source: Somaliweyn