Fagaaraha Trafalgar Square ee ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa 7-dii iyo 8-dii bishan June waxaa ka dhacay dibad-baxyo ballaaran oo ay sameenayaan dadka Soomaalida ee ku dhaqan magaalada London, kuwaasoo ka soo horjeeda dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku nool dalka Koofur Africa.
Boqolaal qof oo u badan haween oo wata boorar ay ku xardhan yihiin erayo ka dhan ah Koonfur Africa, ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee safaaradda Koofur Africa ee ku taalla magaalada London.
Waxa ay dadkan si wayn u cambaareeyeen dilkii foosha xumaa ee dhawaan loogu geestay magaalada Port Elizabeth wiil Soomaali ah, kaasoo lagu magacaabo Cabdinaasir Maxamuud.
Wiilkan Soomaaliga ah oo da’diisu ahayd 27-sanno jir ayaa waxaa lagi dilay dhagax isagoo dhar la’ waxaana arrintaas si wayn uga xumaaday dadka Soomaalida ee ku nool waddanka iyo dibadiisa.
Dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo dhibaatada wali joogta ah ee lagu hayo Soomaalida ayaa ka dhacay meelo badan oo caalamka ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa si wayn u cambaareesay falalkii u dambeeyay ee Soomaalida loogu geestay dalka Koonfur Africa, waxaana ay ku baaday in si degdeg ah wax looga qabto dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku nool dalka Koonfur Africa.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay in dowladda Koonfur Africa ayaa ku baaqay in ay soo faragaliso dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku nool dalka Koonfur Africa oo lagu hayo dhibaatooyin xooggan.
Falalka lagu gumaado dadka soo galootiga ee ku nool dalka Koonfur Africa waxaa inta badan lagula kacaa waddamada Soomaaliya, Mozambic iyo Zimbabwe,waxaana sannadkii 2008-dii lagu dilay in ka badan 60-qof.
Source: Midnimo