Tallaalka Dabeysha oo ka billowday Gedo

0
1053

TalaalkaCaruurta20130618Qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Gedo ayaa si rasmi ah looga billaabay tallaalka cudurka dabeysha ee la siinayo carruurta ay da’doodu ka yar tahay shanta sano.

Mas’uuliyiinta maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo oo ka hadlay xaflad lagu daah-furayay tallaalka ayaa u soo jeediyay waaliddiinta inay ka faa’ideystaan tallaalka si looga badbaado halista cudurka dabeysha.

Fulinta tallaalka cudurka dabeysha ayaa waxaa iska kaashanaya hay’adaha Qaramada Midoobay ee kala ah WHO iyo UNICEF.

 

Source: Bar-kulan