Weerar Madaafiic ah ayaa xalay waxa uu ka dhacay Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo iyadoo Maamulka dowladda ee Garbahaareyna uu faah faahin ka bixiyay Weerarkaasi.
Wararka ka imaanaya Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar Madaafiic ah Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Xarun Ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Magaaladaasi.
Weerarkaan Madaafiicda ah ayaa la sheegay in uu ku dhacay qeybo ka mid Magaaladaasi iyadoona uu ka dambeeyay iska hor’imaad saacado socday kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Kooxo ka tirsanUrurka Al Shabaab.
Goob Joogayaal ku sugan degmada Garbaahaareey ee Gobolka Gedo ayaa Shabelle u sheegay in iska hor’imaadka uu ka dhashay Khasaaro so gaaray dhinacyadii dagaalamay iyadoona iska hor’imaadku uu muddo saacado ah soconayay.
Korneel Cali Aadan Mire oo loo yaqaanno ( Cali Kalaay) oo La hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay iska caabiyeen Kooxo uu sheegay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab kuwaasi oo tira Madaafiic ah ku soo weeraray Magaalada Garbahareey ee Xarunta Gobolka Gedo.
Deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo waxaa gacanta ku haya dagaalyahannadda Al Shabaab iyadoo mararka qaar qeybo ka tirsan Gobolkaasi uu iska hor’imaad ku dhexmaro Ciidamada dowladda iyo Ururka Al Shabaab.
Source: Shabelle