Wiil Soomaali ah ayaa shalay isku dilay dalka taliyaaniga ka dib markii uu iska soo tuuray dabaq dhowr biyaano ah oo ku yaala magaalada Florence ee dalka Taliyaaniga halkaas oo markiiba uu ku geeryooday.
Wiilka Soomaaliga ah ayaa lagu waramayaa in uu waayay sharciga qaxootinimada Taliyaaniga oo muda dheer uu raadinayay diidma badana uu kala kulmay waaxda qaabilsan sharciyada qaxootiga dalka Taliyaaniga.
Ninkaan oo sida wararku sheegay waayihii dambe qabay cudurka Dhimirka ama isku buuqa waxa da,diisa lagu sheegay 30 jir kana soo galay xaga Liibiya sanadkii 2011 markaas oo sida la sheegay dooni yar qaxooti badan ku soo wad galeen dalk Taliyaaniga.
Source: Waasan