Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa ku waramayay in xaalada weli ay tahay mid kacsan, iyadoona dhinacyadii maalmihii lasoo dhaafay halkaas ku dagaalamay ay wali is horfadhiyaan.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo warbaahinta Muqdisho wareysi siinayay ayaa xaqiijiyay in ay socdaan dhaqdhaqaaq Ciidan oo aad u xoogan, iyadoo labada dhinacna ay soo gaarayaan gurmad xoogan, waxaana saacad walbo la filan karaa dagaal inuu qarxyo.
Majiraan wax waan waan ah oo laga dhexwado labada dhinac ee dirirta u dhaxeyso, iyadoo mid walibana uu sheeganayo inuu magaalada ka saaray dhinaca kale.
Iftin Xasan Baasto oo kamid ah dadka sheegtay madaxweyninimada Jubaland ahna ninka dagaalka kula jira Axmed Madoobe, ayaa saakay mar uu wareysi siinayay Idaacada VOA-da waxa uu sheegay inuu wali magaalada ku suganyahay islamarkaasna aan laga saarin.
Iftin Xasan Baasto ayaa Ciidamada Kenya ku eedeeyay ineey garab siinayaan Ciidamada Axmed Madoobe.
Dhanka kale Madaxweynaha isaga ku sugan Magaalada Nairobi ayuu saxaafada uga waramay xaalada Kismaayo waxa uuna yiri.
“Shaqaadadii Kismaayo ka dhacday waa ay dhamaadeen magaalada waa la sugay waana lasoo qabqabtay oo shabaab baa dagaalka lasoo galiyey oo wasiir Fiqi baa soo galiyey Saraakiil Al Shabaab ah baa qabanay hub badan baanu ka qabanay meydad baa jira cadeymo dhab ah baa la hayaa saxafada Kismaayood baana ka rajeynayaa in ay soo bandhigi doonto”
Source: Midnimo