Shir Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen magaalada Nairobi loguna taageerayay shirka ka furmaya Muqdisho ee arrimaha Jubooyinka, laguna soo bandhigayay xaaladaha dhabata ah ee ka jira gobollada Jubooyinka, iyadoo kulankaasi ay goob joog ka ahaayeen inta badan safiirada iyo diblomaasiyiinta wadamada shisheeye u jooga Kenya, iyadoona qaar ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda Jubbooyinka ay ku sugaanyeen kulankaasi.
Kulankaasi balaaran ayaa waxaa soo abaabulay xildhibaano ay ka mid ahaayeen Maxamuud Guure, C/raxmaan Xoosh Jibriil, C/laahi Goodax Barre, C/laahi Jaamac iyo gudoomiyaha guddiga difaaca Baarlamaanka Xuseen Carab Ciise.
In ka badan shan iyo toban safaaradood iyo ururo caalami ah oo ay ku jiraan midowga Yurub ayaa ka soo qaybgalay kulankaasi , kuwaas oo si weyn u taageeray dadaalka xildhibaanada ee ah taageerada shirka arrimaha Jubooyinka ee Muqdisho iyo hergelinta dastuurka dalka degsan.
“Dowladu a aysan kama soo horjeedo qabiil gooni ah, balse wuxuu waajib ka saaran yahay in la ixtiraamo dastuurka, dadka deegaankana laga wada qeyb geliyo arrimaha dib uheshiisiinta si loo gaaro xal waara” ayuu yiri Xildhibaan C/Raxmaan Xoosh Jibriil.
Xildhibaan C/raxmaan Xoosh oo ka mid ahaa xildhibaanadii dowlada ay u dirtay Kismaayo si xal looga gaaro muranka ka jira Jubbooyinka, ayaa sheegay in nidaamkii loo maray dhisida maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe uusan ahayn mid sharci ah maadama aysan ku lug lahayn dowlada dhexe.
Source: Somaliweyn