Xildhibaan Goodax iyo Xoosh lagu weeraray Nairobi

0
1196

XooshAndGodahKoox bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku weeraray magaalada Nairobi ee dalka Kenya laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanada weerarka loo geystay ayaa kala ah Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Cabdullahi Goodax Barre oo ah labaduba wasiirro ka soo noqday xukuumaddii ra’iisul wasaare Cabdiweli Maxamed Cali.

Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre oo wareysi siiyey laanta Af Soomaaliga ee idaacadda VOA-da ayaa sheegay in ragga soo weeraray ay ahaayeen saddex nin, isagoo intaas ku daray in inkastoo aysan waxyeello gaarsiin haddana ay qaateen kumbiyuutarro nooca gacanta ah oo ay wateen.

Goodax wuxuu tilmaamay in raggan ay isku dayeen in ay kaxeysteen Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh, hase yeeshee markii ay ku buuqeen kaddib ay ka carareen goobta.

Ma cada cidda ay ahaayeen kooxaha mudanayaasha weeraray iyo ujeekoodu waxa uu ahaa, balse Xildhibaan Cabdullaahi Goodax ayaa sheegay in xiriir ay la soo sameeyeen hay’adaha amniga ee Kenya ay ugu sheegeen in la baari doono falkan.

Labada xildhibaan waxay kamid ahaayeen xubno dowladda ka tirsan oo dhawaan diblamaasiyiin shisheeye ah Nairobi ugu soo bandhigay warbixin ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee gobollada Jubbooyinka iyo muranka la xiriira dhismaha maamul ay yeeshaan.