Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamanka F.S. Oo Qaahira Uga Qeybgalaya Shirka Baarlamaannada Carabta

0
1030

Dalxa20130619Guddoomiye ku xigeenka guddiga Baarlamaanka u qaabilsan xiriirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof.  Maxamed Cumar Dalxa ayaa ka war-bixiyay shirka barlamaannada Carabta oo ka socda dalka Masar iyo shir kale oo uu kaga qeyb galay dalka Urdun.

Xildhibaan Dhalxa oo la hadlay warbaahinta Qaranka isagoo ku sugan magaalada Qaahira ayaa sheegay in magaalada Qaahira uu uga qeybgelayo shirka Baarlamaannada Carabta oo uu sheegay in Sadexdii biloodba mar la qabto.

‘’Waxaan Qaahira uga qeybgeleynaa anagoo Afar xildhibaan ah shirka Baarlamaannada Carabta waxaana looga hadlayaa wixii taagnaa iyo waxyaabaha hadda ka jira dunida Carabta siyaasad, ammaan iyo dhaqaale middeey doonto ha noqotee,  waxaana Qaahira u nimid inaan metelno Baarlamankena’’ Ayuu yiri Xildhibaan Dhalxa.

Xildhibaan Dhalxa ayaa intaa raaciyay in Baarlamanka Carabta ay u sharaxi doonaan waxyaabaha ka socda dalkeena iyo isbedelada ka jira iyo sida loogu baahanyahay wadamada Carabta iney gacan uga geystaan dib usoo kabashada Soomaaliya.

Dhanka kale Xildhibaan Dhalxa ayaa faahfaahin ka bixiyay shir uu uga qeyb galay magaalada Caman ee dalka Urdun,  isagoo xusay in shirkaasi uu ahaa mid kooban dalka Soomaaliyana uu isagu u metelayay,  wuxuuna tilmaamay in looga hadlay masiibooyinka dabiiciga ah iyo dhibaatooyinka ay dagaaladu ku reebaan dalalka iyo sidii wax loogu qaban lahaa dalalkaas oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Shirka Baarlamannada waddamada Carabta ee ka socda Qaahira ayaa la filayaa iney ka soo baxaan go’aanno wax tar u leh ummadda Soomaaliyeed.