Baarlamaanka maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa doortay madaxweyne cusub kaddib doorasho maanta ka dhacday magaaalada Cadaado ee xaruunta maamulkaas.
Doorashada oo ay ku tartamayeen saddex musharrax oo kale ah Cabdullaahi Cali Maxamed, Cismaan Maxamed Cali (Socdaal) iyo Cali Amiin Sayid Axmed ayaa waxaa codadkii la dhiibtay si aqlabiyad leh ugu guuleystay Cabdullaahi Cali Maxamed oo helay 20 cod oo kamid ah 23-xubnaha baarlamaanka oo codeynayey.
Cismaan Maxamed Cali ayaa isna helay 2 cod, halka musharrax saddexaadma Cali Amiin uu ka helay hal cod.
Afhayeenka baarlamaanka Ximan iyo Xeeb Cabdullaahi Faarax Jimcaale oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in doorashadu u dhacday si xaq iyo xalaal ah.
Madaxweynaha xilka hadda hayo ee maamulka Maxamed Aadan Tiicey doorashada kama aanu qeybgelin.
Madasha ay doorashadu ka dhaceysay waxaa ku sugnaa madax kala duwan, golayaasha guurtida, garsoorka iyo dadweyne goob-joog ka ahaa.
Source: Bar-kulan