Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta midowga africa AMISOM Col Cali Aadan Xaamud oo wareysi gaar ah siiyey radiyo muqdisho ayaa waxa uu ugu horeyn wax uu bulshada soomaaliyeed ugu hanbalyeeyey 1 luuliyo oo ku beegneyd markii ay gobollada koonfurta ee soomaaliya xornimada ka qaadateen gumeystiihi talyaniga iyo midowgii gobollada goonfureed iyo kuwa waqooyi.
Sidoo kale afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta AMISOM Col Cali Aadan Xaamud ayaa waxa uu faah fahin ka bixiyey arrimaha la xiriira in ciidamo ka tirsan nabad ilaalinta AMISOM gaar ahana ciidamada dowlada kenya ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay magaalada kismayo ee xarunta gobolka jubbada hoose waxana uuna sheegey afhayeenku in loo saaray gudi baaritaano la xiriira arrimahaasina ay socdaan.
Hadalkan afhayeeka Ciidamada AMISOM ayaa imanaya xili Maalmihii ugu danbeyey ey bulshada soomaaliyeed caro iyo qeylo dhaanba ka muujiyeen ciidamo ka tirsan dowlada kenya oo la sheegay inay duqeymo dad shacab ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen kuwo kalana ku barakaceen ka geeysteen magaalada kismayo.
Source: Radio Muqdisho