Axmed Madoobe oo ka hadlay wadahadalada uu la qaatay DFS

0
1259

AhmedModoobe20130525Hogaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe oo haatan ku sugan dalka Ethiopia ayaa ka warbixiyay wadahadalo la qaatay Xubno kasocda DFS, waxaana uu sheegay ineey isku afgarteen in lasii wado wadahadalada si loo dhameeyo ismariwaaga u dhaxeeya labada dhinac.

“Xubnaha dowladda ka tirsan ee aan la kulmay, waxaana isla garanayn in la sii wado wadahadallada oo khilaafka jira la dhameeyo, balse anigu hadda ma oranayo heshiiskaas ayaan wada-gaarnay, waan been wararka meelaha lala marayo ee ah inaan heshiinnay innaga iyo dowladda Soomaaliya,” ayuu mar kale yiri Axmed Madoobe.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Addis-Ababa waxaa wadahadalo xiriiri ah uga socanayeen Axmed Madoobe iyo xubno ka socda doowlada Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo kawada hadlayay sidii loo soo dhisi lahaa maamul ay dadka Jubooyinka iyo doowlada Soomaaliya ku qanacsantahay.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in DFS ay ogolaatay in Axmed Madoobe si KMG ah loogu magacaabo M/weynaha maamulka Jubaland.

 

Source: Midnimo